Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 6-aad)

Qeybti 6-aad   Qeybihi hore halkan ka arag 1-aad   2-aad  3-aad 4-aad 5-aad

Jiifkii ayey ka toostay oo fadhiisatay, waana naxay oo moodday in ay tegayso. Oo maxay u tegaysaa ma gacan barakaysan oo aad ku dabiibaysey in aad marisay wax aan ahayn baad ku samaysay? Iyada oo fadhida ayey diracii qaarka dambe ka soo faydey oo kor isaga siibtay, dabadeed iyada oo sidii ay ku dhalatay ah dhinacii ay awel u jiiftay mooyee dhinaca kale xaggaaga u soo jiifsatay, iyada oo sii leh: “Alla caawa kululaa! Sheekh, gacantaada durba il baan iskaga gartay ee i wada mari.” ”Eebbe ha kugu dabiibo!” ayaad u celisay, oo salaaxiddii ku sii wadday.

Xubin qiimo leh oo jidhkeeda kaa qarsooni ma jirto. Imika si aan xad lahayn baad isu celinaysaa ee ma miyir qabtid. Habeenno badan ayaad xaalad tan la mid ah ku riyootay, malaha tanina waa riyo. Maad hubsatid? Calaacal sidii hore ka dhiirran inta aad barako ku afuuftay ayaad legga kaga salaaxday qunyarna kor ula raacday ilaa naaska. Inta ay yar taahday ayey kugu soo durugtay oo jidhkeeda kaaga ku soo cadaadisay, gacantana bawdada kaa saartay. Markaas baa miyir kuugu dambaysey.

Inta aad kor u boodday ayaad nalkii aad hoos joogteen damisay, dabadeed iyada oo jirjircadka isu sii rogaysa dusha kaga degtey.

Dhar sare iyo mid hooseba waxaa kuu ahaa shaadh iyo macawis, labadiibana durba waa ay kaa maqan yihiin. In aad adigu iska bixisay iyo in ay iyadu kaa bixisay ma kala ogid. Waxaad hubtaa shaadhkii ugu yaraan in ay laba badhan go’een. Waxaad kale oo hubtaa kitaabbadii oo rixli wada saarraa in aad harraati ku kambashay. Waxaad kale oo hubtaa tusbixii oo jilibka kaa muday in aad meel fog ku maguujisay. Waxaad kale oo hubtaa saacaddan in aadan kitaab, tusbax, denbi iyo diin toona dan ka lahayn. Waxaadse kale oo hubtaa in uu qubays kugu waajibay.

Iyaduna waxay hubtaa sariirta in ay goor roon ka soo kacday. Waxay kale oo hubtaa muruqyada adadag ee meel walba kaga giigsani in ay ku sii giigsanaadaan mooyee wax kale in aanay dan ka lahayn. Waxayse kale oo u hubtaa qadaadkeeda sida ba’an dhulka loogu xoqayaa in uu barkin u baahnaa.

Goor dambe oo aad xiiq tiranyseen waxaad ku calaacashay: “Alloow tooba! Alloow tooba!…” Iyaduna waxay kuugu jiibisey: “Aammiin!” Inta aad Ilaahay ka baqaysid in aan ka yarayn waxaad ka baqaysaa ninkeeda oo idiin soo gala. Iyadu Ilaahay ka biqi mayso, waxayse isku si uga baqaysaa ninkeeda iyo fadeexad.

Intii hore waad waallaydeen, markiise aad miyirsateen ayaad fekerteen. Iyada ayaa dhiirran oo isxilqaantay, oo inta ay salligii la kacday kugu tidhi: “Aynu meel asturan tagnee ina keen.” Adiguna kitaabbadii iyo tusbixii oo halkii daadsan inta aad ka tallaabsatay ayaad sidii sange taxaaban naagtii ku hor socotay dabo saqlaysay. Qaybta dambe ee beerta oo caws doog ah leh ayey ku geysay. Guriga waxaad u geli weydeen haddii uu odaygeedu soo galo jeer uu iskiin soo dul taago ma ogaan kartaan. Halkii ayaad muddo kale sii laba legdoonayseen. Markii dambe waad laylyantay oo toobaddii iyo istaaqfurullihii badnaa waad joojisay. Sida iyadaba miyirku ugu soo noqday adigana in uu kuugu soo noqday waa ay hubtaa, malahase in aad sideeda raalli u tahay ma hubto. Malaha si ay taa u ogaato ayey tidhi: …………LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).