Safaaradii Somaliland ee dalka Itoobiya oo dab la qabad siiyay.

Maamulka Soomaaliland ayaa shaaciyay in la gubay dhimsaha Safaaradii ay ku lahaayeen magaalada Adis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya kadib markii muwaadin la sheegay in uu u dhashay Itoobiya uu dab qabadsiiyay dhismaha.

Safiirka Soomaaliland ugu magacaaban Itoobiya ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray “Waxaa xalay saqdii dhexe dab la qabad siiyay dhismaha Safaarada Jamhuuriyadda Soomaaliland ee magaalada Adis Ababa waxaana loo qabtay qof u dhashay Dalkaan oo la aaminsan yahay in uu ka danbeeyay” sidaas waxaa sheegay Safiirka Soomaaliland ee Dalka Itoobiya.

Ilaa hadda lama cadeyn Khasaaraha ka dhashay dabka balse Soomaaliland ayaa sheegtay in lagu guuleestay daminta Dabkaasi, sidoo kale Lama oga Sababta ka danbeysay in dab la qabadsiiyo Dhismaha Safaaradda.

Mudooyinkii danbe ayaa waxaa taagnaa xiisad u dhaxeysa Maamulada Soomaaliland iyo Ismaamulka Qoymiyadda Oromiya ee Dalka itoobiya waxaana la aaminsan yahay in falkaan ay ka danbeeyaan Shaqsiyaad ka soo jeeda Qoymiyadda Oromiya.