Safarka Farmaajo ee Abu Dhabi ma saameyn doonaa xiriirka mucaaradka ay la leeyihiin Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jira xiriir fog oo dowlada Imaaraadka carabta kala dhexeeya mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Somalia iyo Siyaasiyiin madaxbanaan oo iyagu ku sifoobay dhaleeceynta talaabooyinka wanaagsan oo ay qaado dowlada Somalia.

Mas’uuliyiinta u kala dhuunta Imaaraadka Carabta ayaa iyagu xilal ka waayay dowlada hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, halka Siyaasiyiinta madaxabanaan ay yihiin kuwo mar waliba u taagan la safashada ”Shisheeyaha”.

Qaarkood ayaa fulinta howlaha Qaranka ka maciin biday inay dhexda u galaan horumarada uu ku talaabayo dalka, halka kuwa kale ay yihiin kuwa nasiib dhowr ah oo mar waliba ka hoos shaqeeya mas’uuliyiinta horay usoo qabtay xilalka ee ku xiran Madaxda ugu sareysa Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu inta badan ka faa’iideysata wadaniyad xumida heysata Siyaasiyiinta qaar ayaa dhabarka u xiratay sida ay xuquuq joogta ah kusiin laheyd kuwa ka macaasha duruufaha ay ku shaqeyso dowlada Somalia.

Haddaba dowlada Imaaraadka carabta waxa ay casuumaad u sameysay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo muddo dhowr jeer ah ka dhaga adeegay qaadashada awaamiir ay ku qasabtay Imaaraadka.

Madxaweyne Farmaajo waxa uu wataa shuruudo uu ku daahfuri doono shirka ay wada gali doonaan Madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta, taa oo ay kamid tahay:

1-In dowlada Somalia loo madaxbaneeyo arrimaheeda gaarka ah sida inay maamusho dhulkeeda, Siyaasiyiinteeda iyo inaan loo dhexeen iyada iyo Golayaasheeda.

Qodobkan ee uu wato Farmaajo waxa ay meesha ka saari doontaa xiriirka fogaaday ee Imaaraadka kala dhexeeya shaqsiyaadka u tafaxeydanaaya in Qaranka laga hormariyo dano gaara, sida ku cad ficilada labadii asbuuc ee lasoo dhafay ka dhacay mas’uuliyiinta qaar.

2-In danaha Imaaraadka Carabta lasoo mariyo Dowlada Somalia, waxa uuna qodobkaani laali doonaa inuu sii jiro xiriir danbe uu u dhexeeya Maamul Goboleedyada iyo Imaaraadka.

Socdaalka uu Madaxweyne Farmaajo ku gaari doono magaalada Abu Dabai, ayaa ifafaalo u ah isku soo dhawaansho iyo isfahan dhexmari doona labada dowladood, waxaana xusid mudan in dowlada Imaaraadka Carabta ay garwaaqsatay in Somalia loo madaxbaneeyo amuuraheeda gaarka ah oo iminka caqabada lagu yahay.

Sidoo kale, Mas’uuliyiintii xilalka kasoo qabtay dowladihii hore iyo kuwa iyaga ku feelan oo mudooyinkaani xubno ka socday Wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka kula shirsanaa magaalada Nairobi ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabtan magaalada Muqdisho, kadib mugdi soo kala dhexgalay labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la saadalinayaa in is araga Madxaweyne Farmaajo iyo Dowlada Imaaraadka uu sabab u noqon doono burbur ku imaada xiriirka mas’uuliyiinta qaswadayaasha ah iyo dowlada Imaaraadka carabta.

W/Q: Zakariye Cabdullaahi Maxamed
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid