Safiirka USA ee Somalia oo hadiyad macno weyn leh gudoonsiiyay Farmaajo (Daawo)

Muqdisho – (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka dowladda mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephan Schwartz.

Waxa ugu muhiimsan oo ay Schwartz Iyo Madaxwyne Farmaajo uga wada hadleen kulankoodii maanta wuxuu ahaa sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaraha saameeyeen iyo sidii loo hagaajin lahaa arrimaha amniga dalka.

Tani waxey muujineysaa in madaxwene Farmaajo uu diiradda saarayo sidii uu uga soo bixi lahaa ballanqaadkii uu u sameeyay shacabka.

Si kastaba gaba-gabada kulanka danjiraha ayaa gudoonsiiyay madaxweyne Farmaajo koofiyad lagu xardhay “Make Somalia Great Again”