Sagootintii Aduun ee Aakhiradda noqotay ee Ifraax iyo Iimaan (Dhacdadii xalay ee Pizza House)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa ay ahaayeen gabdho agoonimo lagu soo koriyay kuwaas oo hada uun la jaan qaaday carfta aduunka , waa xiligii ay hooyadood sugeysay miriha ubixii ay kalinimada kusoo korisay.

Qoyskaan waxaa uu ka koobnaa 4 qofood sadex gabdhood  iyo hal wiil waana Iimaan, Ifraax, Iftin iyo Saadaq, hooyada qoyskaan waxaa la yiraahdaa Sahro taas oo sawiradda hoosana qeyb ka ah.

Iimaan, Ifraax iyo Iftin ayaa shalay oo aheyd 14-ka July 2017 waxa ay goobta lagu nasto ee Pizza House ka codsatay iney u raacaan gabar xaamilo aheyd oo ay daris ahaayeen taas oo sida la ii sheegay safar u aheyd dibadda “ Fadlan saaxibayaal isagootiya oo aan soo wada galno sawiro xasuus ah “ ayuu ahaa balanka saddexda gabdhood ee walaalaha ah iyo saaxibtood sida ay ii sheegtay Xamda oo ay isla soo koreen gabdhaha xaqdarada lagu dilay.

Jawiga ay ku jireen inta uusan qarax iyo weerar ku qabsan goobta lama suureyn karo, laakiin si mala awaal ah hadii aan u hadlo waxey ku jireen jawi farxadeed madaama ay Afurkii kadib tageen goobta neecaaw fiicana ay jirtay.

Qaraxu markii uu dhacay kadib waa adkeyd in durba la ogaado qasaaraha si gaar ah geerida Imaan, Ifraax iyo saaxibtoodii ay sagootinta aduun usoo raaceen balse aaqiro loo wada sagootiyay, saakay aroortii ayaa la ogaaday geeridda Iimaan, Ifraax iyo saaxibtood oo xaamilo aheyd.

Wixii saxda ahaa ee meesha ka dhacay waxaa sharixi kara dadkii qaraxa ka bada baaday oo ay ka mid tahay Iftin oo meesha ku weysay labo walaalaheed ah iyo saaxibteed waaba hadii ay awoodo iney sawirto dhacdada balse dadka qaar ayaa sheegay in iyagoo 7 gabdhood ah Bambo loo galiyay meel yar oo ay kaga dhumanayeen dableyda weerarka soo qaaday.

Waa fahmi kartaa xaaladda qoyskiis saakay labo meyd ah halmar wada aasay, qof dhawac ahna uu isbitaal u jiifo aabe la’aana ay u dheertahay waxaana hubanti ah iney maanta garab uga baahan yihiin Alle iyo qof walba oo Soomaali ah.

Waxa ay ku bar baareen xaafadda Buulo Xuubey inkastoo ay hada daganayeen xaafada African Village ee dagmada Hodan.

Sida la ii sheegay walaalkood oo rabay inuu usoo raaco Pizza House ayey sugi waayeen oo ay kasoo tageen waqtiga ayaadna u moodaa inuu de dejinayaay, halka Saadaq ay qorneyd inuu wali aduunka sii ahaaddo.

Inkastoo Xamar oo dhan uu maanta wada murugsan yahay hadana waxaan qoyskaan ku tilmaami karaa kuwii ugu murugadda iyo calool xumada banaa dhacdadii xalay lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.

Aan u duceyno qoyskaan inuu Allaha badal wanaagsan siiyo.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax

raafac22@gmail.com