Xog: Ciidamada Kenya oo saraakil ka tirsan DFS ku bahdilay dalkooda (Sidee bey wax u dhaceen)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ay jeelka dhigeen Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka.

Saraakiisha la xiray ayaa la sheegayaa inay yihiin 2 Sargaal oo lagu xiray Xabsi ku yaala deegaanka Hoosingow.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Militeriga oo ku sugan deegaankaasi magaciisana ku sheegay Cali Maxamuud Xoogsade, ayaa cadeeyay in Saraakiishaani loo xiray is hortaag ay ku sameeyen canshuur ay Ciidamada AMISOM ka uruursato deegaanka Hoosingow.

”Xariga Saraakiisha waxa uu la xiriira diidmo ay ka muujiyeen Canshuurta laga qaado Hoosingo, waayo lacagta laga uruuriyo shacabka qeyb kamid ah waxaa qaata Taliyaha Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka taasi waxaa ka hor imaaday Saraakiisha la xiray”

”Taliyaha Ciidamada Kenya waxa uu doonayaa inuu qaato boqolkiiba toban canshuurta ka soo xaroota Hoosingow, kuwa kalana way ka soo horjeesteen waayo xaq uma laha in Somalia ay ka qaatan Canshuur.”

DF Somalia gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga ayuu ugu baaqay in arrintaani ay talaabo degdeg ah ka qaado, waxa uuna ku baaqay in DF Somalia ay cadeyso in AMISOM ay dalka u keentay inay Canshuurta qaatan iyo inkale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com