Sawir qosol badan: Jawaari iyo qorshihiisa dib usoo laabashada!

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani qosolka badan ayaa waxaa lagu cabiray Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo lagu sido mid kamid ah noocyada gawaarida lagu riixo carruurta aadka u da’da yar.

Jawaari ayaa waxaa dultaagan dhalinyaro lagu miisaaliyay inay ka tirsan yihiin Xisbiga talada dalka haya, kuwaa oo juhdi ku bixinaaya sida mar kale Jawaari looga dhigi lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu tusaaleeyay suuragalnimada in Dowlada Somalia ay ka shaqeyso sida mar kale lagu dooran lahaa Jawaari oo dhaxal-tooyo ku helay kursiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com