Sawir: Shariif Xasan oo lagu heysto lacag deen ku ah oo doorashada uu u adeegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani qosolka badan ayaa waxaa laga sameeyay Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ahna musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia.

Sawirkaani waxaa lagu ifiyay dhaqaale xumida soo foodsaartay Shariif Xasan taa oo soo ifbaxday kadib markii ay faraqa ku dhageen Ganacsato uu ka deensaday dhaqaalo xoogan, sida ku cad sawirka.

Shariif Xasan oo cayaaraya taatiko ayaa Ganacsatada ku indha sarcaadinaaya inuu heysto Xildhibaano dhan 72 kuwaa oo uu sheegay inay ugu jiraan mooro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com