Sawirro: Shaqsigii ka danbeeyay weerarkii Berlin oo dal aan laga fileyn lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in Toogasho lagu dilay ninkii looga shakisanaa inuu ka danbeeyey weerarkii argagixiso ee Berlin lagu dilay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Marco Minnitiayaa sheegay in ciidamada amaanka ay fuliyeen dilka Anis Amri, waxa uuna tilmaamay in faahfaahinta dilkaasi uu uga hadli doono Shir Jaraa’id oo uu qaban doono.

Marco ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ku howlanaayen baadi-goobka Anis Amri, hayeeshee markii danbe ay ku guuleysteen.

Thomas de Maiziere oo ah Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka ayaa shir jaraa’id uu maanta qabtay ku sheegay in ay jirto suurto galnimo aad u sareysa oo ah in Amri uu ka dambeeyey weerarka.

Weerarkii Berlin oo lagu qaaday suuqa ciid kirismiska ayaa waxaa lagu dilay 12 qof, waxaana weerarkaasi loo dilay Anis Amri.

Dhanka kalena, booliska dalka Jarmalka ayaa Jimcihi maanta xiray laba nin oo walaala ah oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen in ay weeraraan suuq ku yaalla magaalada Oberhausen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com