Sawirro: Dhismaha waddada soddonka iyo Dhagax dhigii Kheyre iyo Taabit

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Wadadaasi ayaa aheyd wadada kaliya ee harsan marka laga reebo Jidka warshadaha oo u baahan dayactir aan badneyn, waxaana wadadaasi ay xiriirisaa degmooyin dhowr ah oo gobolka ku yaala.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay inay muhiim aheyd dhagax dhiga maanta ay sameeyeen, waxaana uu sheegay in dalka uu dhismayo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono dib usoo celinta bilicdii ay laheyd magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay isku kalsoonaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com