Sawiro: Digfeer aan wada Ilaashanno (Warbixin ka hadleyso waxqabadka Turkiga ee Isbitaalka)

Waxaan go’aansaday in aan Digfeer geeyo kadib markaan bixin waayey xanuunkiisa (Cudurka haya) waxaana igula taliyey qaar Asxaabtayda ka mid  ah oo hore u tegey, waxaan u haystey in laga bad-badiyey, laakiin waxaan durba la fajacey qaabka uu u dhisan yahay, baaxaddiisa, tirada dadka adeegga caafimaad u soo doonta, qaabka dadka loo qabilayo, Nadaafadda, ka badan 30 dhakhtar oo kala duwan ayaa fadhida, meel walba wa mashquul oo hawl ayaa ka socota, markaan arkay sida aan hagarta lahayn ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan ayaa waxaan go’aansaday in aan Digfeer warbixin ka diyaariyo. Waxaa Maalintii booqata iyagoo qaba xanuunno kala duwan inta u dhexaysa 600-800 oo bukaan kuwaas oo hela adeega Caafimaad ee ay u baahan yihiin sida uu ii sheegey mid ka mid ah Hawl wadeenaada Cusbataalka.

“Cusbataalka waxaa loogu tala galay inuu noqdo mid Tababar iyo Cilmi baaris, Ujeedku waa in la helo Shaqaale Caafimaad oo Soomaaliyeed oo tababaran si looga maarmo Shaqaalaha Cafimaadka ee Turkiga ee noo soo gurmadey” sidaa waxaa yiri Agaasimaha Cusataalka Digfeer Mudane Xuseen Nuur.

Agaasime Nuur waxa uu intaa raaciyey. “Si loo hirgeliyo arintaas waxaa Cusbataalka ka shaqeeya 430 qof oo Soomaali ah oo aaney ku jirin Askarta Waardiyaha ah iyo 86 Turki ah, Shaqaalaha Soomaalidu waxay isugu jiraan Nadiifiyaal, Shaybariistayaal,  Farmashiistayaal, Turjumaanno,  Khasnajiyaal, Kalkaaliyaal iyo Dhakhaatiir,  Waxaana wax lagu faano ah in shaqada  Aasaasiga  ee Cusbataalka  ay 90% qabtaan Gabdho iyo Wiilal Soomaaliyeed”.

Amaal Maxamuud Axmed oo Madax ka ah qaybta  Raajada, CT Scan-ka iyo  MRI-da iyo Saciid Maxamuud Sahal oo madax ka ah Qaybta Mashiinada Kelyaha Dhaqa   ayaa ii sheegey  in  Gabdhaha iyo Wiilasha ku shaqeeya Qalabkaan oo dhan   ay hadda yihiin Soomaali, waxayna inta ku dareen in Laba sano ka horna oo ah Markii la furey Isbitaalka aanu jirin qof Soomaali ah oo Mashiinadaan ku shaqeyn kara.

Agaasimaha Cusbataalka  Erdogan Mr. Xuseen Nuur ayaa ii sheegay iney Sedaxdii Biloodba Warbixin siiyaan labada Wasaaradood ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga u qaabilsan Caafimaadka,  Tusaale waxa uu yiri. “January, February iyo March waxaan qaliimo kala duwan oo nooc kasta ah ku samaynay 810 Bukaan, April, May iyo June waxaan ku samaynay Qaliimo sidaas oo kale ah 1319.Bukaan”

Mr. Nuur waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Hada waxaa tababar Takhasusi ah ku iira 16 Dhakhtar oo aan doonayno iney ku takhakhusaan Daawaynta Cudurda Guud, Haweenka iyo  Caruurta, waxaan kaloo dhakhaatiir u tababarnay una tababaraynaa qaar ka mid ah Cusbataalada  Magaalada Muqdisho iyo Degmooyinka Soomaaliya”.

Waxaan weydiiyey tabarucaada ay sameeyaan.  Waxa uu yiri. “lixdii bilood ee ugu dambaysey waxaan lacag la’aan ku dawayney  834 qof oo dan yar ah”. Waxa uu sii raaciyey. “Bukaanada Kelyaha loo dhaqo 90% ma awoodaan iney iska bixiyaan khidmada aan qaadno oo ah markiiba 35$. 10-ka soo harayna waxaan ka qaadnaa 10$.  “Qof kasta oo ku dhex dhinta Cusbataalka haddii xitaa lagu leeyahay 10-kun oo doolar waxba kama qaado” ayuu yiri Mr. Xuseen Mar aan waydiiyey sida ay ka yeelan Bukaanada ku dhex dhinta Cusbataalka ee Lacagaha lagu leeyahay.

Mar aan weydiiyey Cabashada ka timaada Bukaanka soo booqda wuxuu ku jawaabey  “Cabashadu ma badna hadii ay timaaddana Waa maalinka Koowaad  maadaama uu Bukaanku cusub yahay,  laakiin Dhibaatooyinka aan ku qabno Bukaanada Qaar waa deg-degsiimo oo ma ogola in ay maraan habka noo yaala oo ah in la raaco”

Gebagebadii Agaasimaha Cusbataalka  Erdogan Mr. Xuseen Nuur waxa uu ii sheegay iney qaybtooda Gargaarka deg-dega  ahi shaqayso 24 saac, waxa uuna daba dhigay  iney bixiyaan talaalka noocyadiisa kala duwan  oo lacag la’aan ah, si kastaba “DIGFEER AAN WADA ILAASHANNO OO AAN U MAHADCELINO WALALAHA TURKIGA”

  1. Cabdinaasir Xersi Iidle

Mail. naasirx1@gmail.com.

Tel. 00252-615503978.