Sawirro: Gaari ay Amisom leedahay oo lagu bililiqeystay Muqdisho intii uu socday banaanbaxa

Muqdisho (Caasiadda Online) – Xaaladda Darawallada Banaanbaxa ka wada magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay kadib markii gaari AMISOM leedahay lagu bililiqeystay Isgoyska KM 4, markii ay isku dhaceyn iyaga iyo ciidamo saarnaa gawaari badan oo marayey jidka.

Dad ku soo dhex dhuuntay bannaanbaxyaash ayaa ku qamaamay Gaari AMISOM leedahay oo cilad goobta ay uga tageen ciidamada, waxaana lagula kacay bililiqo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ugu dambeyntii soo gaaray jidadka ay ilaa saakay ka socdeen banaabaxyadii cuslaa ee watay rabshadaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa waddooyinka kula hadlay kumanaankii qof ee maanta xirtay jidadka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa u sheegay in la xallin doono dhibaatada ay qabaan sidoo kalana wuxuu u ballan qaaday in loo furi doono dhammaan jidadka Xiran.

Guddoomiye Thaabit ayaa cod baahiye kula hadlay wadayaashii bajaajyada ee u xirneyd jidka Makka Al-Mukarama, wuxuuna ka codsaday inay joojiyaan rabshadaha, wuxuuna u ballan qaaday inuu xallin doono dhibaatada ay tabanayaan iyo wax kasta oo ay ku qanacsan yihiin.