Sawiro: Juxa iyo Hey’adda UNHCR oo Muqdisho ku yeeshay kulan waxyaabo badan looga wada hadlay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ay hoggaamineysay Agaasime ku xigeenka Qaaradda Africa ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR Ms. Angele Dikongue iyo Ms. Caroline.

Lababada Mas’uul ayaa ka wada hadlay waxyaabo badan oo ay kamid ahaayeen arrimaha Qaxootiga dalka kusoo noqonayo, Barakacayaasha iyo Qaxootiga Yemen ee ku sugan Soomaaliya.

Kulanka Wafdiga UNHCR iyo Wasiir Juxa oo qaatay saacado badan ayaa lagu lafa guray sidii loo caawin lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo Debadda.

Wasiir Juxa oo Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayey kulankaan ayaa sheegay inay guul kusoo dhamaatay dhammaan wixii laga wada hadlay , wuxuuna yiri:

” Waxaan isla garanay dardargelinta Hawlaha aan ka wadahadalnay iyo guud ahaan Arrimaha taagan ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha Dalka”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa kamid ah Wasiirada ugu firfircoon Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, wuxuuna dhawaan ku guuleystay inuu dhex dhexaadiyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana arrintaas codsaday Maamul Goboleedyada oo u arkay inuu yahay nin aan kamid ah aheyn Mas’uuliyiinta faragelinta ku hayey Maamul Goboleedyada.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada kulankaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com