Sawiro: Nin sameystay naxashka fircoon oo kale, lacagta uga baxday iyo inta sano oo ay howshaas ka qaadatay

Sida ay qabto diinteenna suuban, dadka Muslimiinta ah waa la aasaa dhimashadooda ka dib. Si kastaba ha ahaatee, caadooyinka kale ee adduunku waa kuwo isdiidaya.

Inta badan meydadka waa la keydiyaa, waxaana jira shaqsiyaad badan oo ku nool adduunkaan kuwaasoo waqti badan ku bixiya inay sameystaan halkii lagu asturi lahaa meydkooda.

Nin lagu magacaabo Fred Guentert oo kasoo jeeda gobolka California ee dalka Mareykanka ayaana wuxuu ugu dambeyn sameystay naxashkii lagu asturi lahaa meydkiisa marka ay naftu deyso.

Fred Guentert muddo 25 sanno ah ayuu waday howshaan, wuxuuna ku qarash gareeyey 10 kun oo dollars. Naxashka uu sameystay wuxuu u egyahay midka illaa haatan lagu hayo meydka Fircoonkii u dhashay Masar.

Guentert haatan wuxuu jiraa 93 sanno, wuxuuna sameystay naxash si aad ah ula eg kaasoo uu dadka ugu baaqay inay ku asturaan meydkiisa marka uu adduunkaan macsalaameeyo. Ninkaani dhirir ahaan wuxuu jeedaa 7 feet, halka culeyskiisa lagu sheegay 136 Kilogram.