Sawiro: Odayaasha Dhaqanka Beesha Habargidir oo go’aano kasoo saaray kulan ay Muqdisho ku yeesheen Maanta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaasha Dhaqanka Beesha Habargidir ayaa maanta kulan looga hadlayey khilaafka ka curtay Galmudug ku yeeshay Hotel Sahafi ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ay isugu imaadeen Odayaasha Dhaqanka iyo Ugaasyada Habargidir oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay sida looga gudbi karo xaaladda halista ah ee soo wajahday Maamulka Galmudug.

Abuukar Ganey oo ah Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka  Beesha Habargidir ayaa markuu kulanka dhamaaday kadib saxaafadda u sheegay waxyaabihii kulanka looga hadlay iyo natiijada kasoo baxday.

Abuukar Ganey ayaa sheegay inay Odayaasha isku afgarteen in laga hortago duminta Maamulka Galmudug oo uu sheegay in dhibaato badan laga soo maray dhisitaankiisa lagana shaqeyn lahaa sidii xiisadda taagan lagu xalin lahaa wadahadal iyo miiska korkiisa.

Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey inay isku afgarteen inay dowladda Soomaaliya faragelinta ka deyso maamulkaas isla markaasna ay ka shaqeyso sidii madaxda Galmudug loo heshiisiin lahaa halkii laga shaqeyn lahaa in la dumiyo la iskana hor keeno dadka Walaalaha ah sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii kulankaan oo ay ka dhex muuqdeen Abuukar Ganey oo ah Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka  Beesha Habargidir, Ugaaska Beesha Ceyr Cabdi Daahir iyo Garaadka Beesha Sacad garaad Qoor weyn. ayaa laga soo saaray qodobada soo socoda:

1) Inay Dowladda Soomaaliya faragelinta ka deyso maamulka Galmudug haddii aysan ka shaqeyn karin in la wada hadashiiyo madaxda is khilaafsan.

2) In wixii jiro lagu dhameeyo Miiska wadahadalka.

3) in dowladda Soomaaliya ay u dirto waf dhex dhexaadin ah oo xiisada kusoo dhameeyo si dhex dhexaad a.

4) Inaan la dumin Maamulka Galmudug oo  la ogaa dhibaatada laga soo maray dhisitaankiisa.