Sawiro: Suuqa ugu weyn Gaarisa oo dab la qabadsiiyay iyo xaaladda oo kacsan

Gaarisa (Caasimadda Online) – Suuqa ugu weyn magaalada Gaarisa, suuq Mugdi ayaa gubanaya wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada codbixintii gafarnatooraha magaaladaasi.

Suuqa ayaa la sheegay intiisa badan waxaa ku sii fidaya dabka waxaana la tacaalaya sidii loo damin lahaa kooxaha dab damiska dhinaca kalana waxaa suuqa buux dhaafiyay ganacsatada halkaa hantida ku leh.

Dabkan la qabadsiiyay suuqa ayaa imanaya kaddib markii guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen shaqsiyaadkii ku soo baxay doorashada, waxaana Cali Bunow Qorane loo doortay guddoomiyaha degmada Gaarisa.

Cali Bunoow ayaa ka tirsan xisbiga tallada dalka haya ee Jubilee, sidoo kale waxaa soo baxay xubno kale oo ka tirsan isla xisbiga.

Boolis dheeraad ah ayaa la geeyay waddooyinka magaalada Gaarisa wax yar ka dib markii uu dab ka kacay suuqa ugu weyn magaalada.

Ma cadda waxa dhaliyay dabka, balse arrintani timid wax yar uun ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada doorshada gafarnatooraha ee degmada Gaarisa.