Sawiro: Thaabit oo dhallinyaro mutadawiciin ah ka howlgeliyey Zoobe si Baaritaan iyo nadiifin loo sameeyo 

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta Isgoyska Zoobe ka howlgeliyey Dhallinyaro mutadawiciin ah kuwaas oo diyaar u ah inay u gurmadaan Shacabka Soomaaliyeed ee Musiibada kasoo gaartay qaraxaas.

Guddoomiyaha ayaa Dhallinyaradaas isugu geeyey Isgoyska Zoobe ee Gobolka Benaadir halkaas oo ay ka socoto howl weyn oo lagu nadiifinayo burburka ka dhashay Qaraxaas isla markaasna lagu baadi goobayo haddii dad nool iyo kuwa geeriyooday halkaas ku jiraan.

Guddoomiyaha oo dhallinyaradaas kula hadlay Xarunta Gurmadka Qaranka ayaa u sheegay inay yihiin xooggii dalka isla markaasna maanta looga baahan yahay inay dadkooda u gurmadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa muujiyey geesinimo iyo howlkarnimo, waxayna Maamulka Gobolka Banaadir sheegeyn inuusan guddoomiyaha ilaa markii qaraxa dhacay uusan hurdin.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu Gurigiisa tago habeenkii 10 saac , halka uu Saalada subax uu kasoo  tago sida ay sheegeen howlwadeenada Gobolka Banaadir iyo guddiga Gurmadka ee uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha ee uu Guddoomiyaha ku jiro.