Sawirro: Tirada musharaxiinta 2016-ka oo sii badaneysa (Liiska ku qabso ku qadi meyside)

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii la galay sanadkan aynu ku jirno ee 2016, waxaa isa soo tarayo musharaxiinta raba in aay u tartamaan jagada ugu sarreeysa JFS oo ah xilka Madaxweyne.

Haddaba, waxaa ilaa hadda isa soo sharaxay ilaa iyo afar iyo toban (14) musharax oo sheegay in aay yihiin musharaxiin. Waxaana jira hadalo aay dad badan is dhaafsanayaan kuwaasoo u arka in dadka qaar aanay ahayn kuwa og in aanay noqon doonin madaxweyne, balse raadsanaya jagooyin kale kuwaasoo aay dadka qaar ugu yeereen (ku qabso, ku qadi meyside).

Waxaa hubaal ah in aay Soomaaliya u baahan tahay hoggaan daacad ah, caadil ah, howl kar ah, kana bixin kara Soomaaliya godka aay ku jirto isagoon marnaba aanan ka gabaneyn halka aay ku jirto maslaxada dalka, dadka iyo diintaba.

Haddii aan ku bilowno qormadan musharaxiinta aan is leenahay waa ku qabso ku qadi meyside waxaa aay kala yihiin.

LIISKA

1. Maxamed Cabdirasaq

2. Dr Cabdinasir Maxamed

3. Cabdicasiis Camalow

4. Cabdulaqadir Xaashi (Fish)

5. Cabdiraxman Cabdishakuur

6. Dr Bashir Nuur Bidaar

7. Faadumo Dhayib

8. Canab M. Daahir

9. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole

10. Axmed Macallin Faqi

11. Xasan Macallin

12. Maxamed Nuur Tarsan

13. Cabdiwali Sh. Maxamed (Xiirane)

14. Cabdiraxman Cabdullahi Baadiyow

Inta badan dadka qaar ayaa aaminsan in murashaxiintan qaarkood aay afartii sanoba aay mar arko, iyagoo ka dhigta musharaxnimadooda fursad aay ku uruursadaan xooga lacag ah kaddibna aan dib loo arag iyagoo markaa saacadaha ugu danbeeya ka tanaasula musharaxnimadooda.

Shacabka Soomaaliyeed aad ayuu uga dharagsan yahay dadka u qalma in aay isku soo taagaan jagadan iyo kuwa ama lacag ku aruursada ama jagooyin kale aad ku heshaan isu sharaxa. Haddii aay ku jirto wax yar oo waddaninimo ah kana naxayaan shacabkooda, waa in ka daayaan in aay ku ciyaaraan quluubta shacabkooda tixgelin gaar ahna siiyaan muhiimada uu leeyahay kursigan.

Waxaa iyana jira musharaxiin aanan weli ku dhawaaqin in aay yihiin musharaxiin balse loo badinaayo, iyo kuwo aanan ku dhawaaqin balse la og yahay in aay musharxiin yihiin.

Qormadan waa mid taxana ah, dib ayaa idiinka soo qori doonaa kuwa xiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com