Sawirro: Xog kasoo baxday kulankii Damul Jadiid iyo safaaradda Turkiga

Mogadishu (Caasimadda Online) – Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud uu xilka taliska madaxtooyada ku wareejiyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Haddaba Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo gaar gaar ah wuxuuna markaan kulan khaas ah la yeeshay   madaxda safaaradda turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Xasan oo ay wehliyeen xirtii lasoo shaqeysay ayaa kulankooda lagu sheegay inuu ahaa mid casho sharaf ah iyo mahadcelin intii uu dalka xukunkiisa hayey.

safaaradda Turkiga ayaa kulankaan ugu tala gashay inay ku sagootiso sidoo kale ku bogaadiso madaxweynihii hore ee talada soomaaliya hayey Xasan Shiikh Maxamuud iyo xirtii lasoo shaqeysay.

Faarax Sheekh C/qaadir, C/raxmaan Maxamed Odowaa,  Cali Balcad iyo Saadaq C/kariin ayaa kamid ah xubnihii Xasan Shiikh Maxamuud kula wehliyey casho sharaftaan ay u sameysay safaaradda Turkiga.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee safaaradda ka leedahay kulankan iyadoo la xasuusto inay dhawaan kulan kale la qaadatay madaxweyihii hore  Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ahaa musharixiintii ka qeybgashay tartankii doorashada ee dhawaan ka dhacay Muqdisho isagoo ka galay kaalinta 3-aad.

Caasimadda Online

Xafiiska Mogadishu

Caasimada@live.com