SAWIRRO: Aalad cusub oo tilmaamaysa dhawaanshaha Qiyaamaha (Warbixin)

Bismillaah wakafaa, Allahumma salli calaa Muxammad wa aalih.

Ikhtirac cusub oo dhawaan soo baxay, ayaa lagu sheegay kabo caqli badan (smart shoes), kuwaasoo ku samaysan elektoroon. Casrigan aynu joogna oo ah casrigii tiknoloojiyada, meel aad u sarreysana laga gaaray teknoloojiga, iyo ikhtiraaca aaladaha ala duwan ee midba midda kale ka daran, baa inagu sintay maantana inaan u joogno aaladdan cusub ee loogu magac daray ”Smart shoes”.

Kabo caqliyeedkani oo u samaysan sida kabaha caadiga ah, waa kuwa loogu talo galay xirashada oo ma ahan sharraxaad iyo guri dhigasho. Waxay la hadlayaan qofka xiran, laakiin hadalku maahan hadal ay markaasi soo ikhtiraacayaan iyaga ee waa hadal ku progaramsan. Waxay qofka u sheegayaan jihada uu u jeesanaya ama uu rabo inuu aado waxa ka jira.

smart sheos 1Waxay u sheegayaan masaafo ka fog oo uu ku kadsoomi lahaa waxa ka jira oo halis ah. Kabo caqliyeedkani waa aalad cusub oo ka dambeysay telefon caqliyeedka (smart phones) dunida qabsaday. Waxaanay culimada tiknoloojiga ku fikireen samaynta arrinkan sanadkan gudahaiisa.

Arrintan oo la oran karo, waxay caddeyn buuxda u tahay in qimmadii ugu sarreysay laga gaaray tiknoloojiga, ayaa hadda waxaa mucjiso Rabbaani ah, marka tilmaanta arrinkaasi aad ugu tegto oraahyada nebi joogay xilli xaaladdu ay adkeed, tiknoloojina aanay jirin.

smart sheos 2Ka hor 1430 buu nebi Muxammad (NNKH), xadiis saxiix ah ku yiri

(والذي نفسي بيده لا تقوم الساعة حتى يكلم الرجل نعله)
[رواه ابن حبان]

… سبحان الله !!

”Kan ay nafteydu awooddiisa ku jirta (yacni Allaah) baan ku dhaartaye, saacadda Qiyaamuhu ma dhacayso, illaa qofku ay la hadlaan kabahiisa”.

Waxaa weriyey Ibnu Xibbaan.

Tani waa mid kamid ah mucjisooyinka waaweyn ee uu Ilaahay siiyey nebiga mucjisaatka,

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
____________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimadda.net. Lama daabacan karo idan la’aan.