Sawirro: Amisom oo qabaneysa shaqadii Shariif Xasan laga sugayey

Baydhaba (Caasimada Online) – Taliska Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa qabanaya howshii maamulka Shariif Xasan ee Koonfur Galbeed looga baahnaa inuu qabto, taas badalkeedna uu ku mashquulay siyaasad, waxaana deeq isugu jira daawo iyo teendhooyin gaarsiiiyey isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo AMISOM, halkaasi oo ay ku jiraan bukaanno uu soo riday cudurka shubka oo daawo loo waayay dadka qaarkood.

Sida ay sheegeen xarumaha caafimaadka, ugu yaraan 150 qof, oo u badan carruur iyo dad da’ ah ayuu saameeyay xannuunka shubanka ee ka jira Baydhabo, iyadoo 70 ka mid ah dadkaasi la daaweeyay, intii kalena uu isbitaalka wax u qaban waayay.

AMISOM ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada bulshada Soomaaliyeed ee dhinaca caafimaadka iyo arrimaha kale ee horumarka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com