Daawo Sawirro: Bankiga adduunka oo hal milyan dollar ku kordhiyay dhaqaalaha mushaarka DF

Beledweyne (Caasimada Online) – Wakiilo ka socda bankiga adduunka ayaa shir ay la yeesheen wasiiru dowlaha maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyada lagu gorfeeyay howlaha dardar gelinta shaqo ee bankiga adduunka ka haayo Somalia.

Shirkaan ayaa la isla gartay in lacagta bankiga adduunka ku kabo mushaarka shaqaalaha dowladda la gaarsiiyo bishiiba 1,700,00 halka markii hore ay ka aheyd 700,000 dollarka mareykanka.

Kabidda mushaarka shaqaalaha rayidka ah ayaa waxaa ku xiran fulinta shuruudo ay isla qaateen bangiga asduunka iyo dowladda Soomaaliya taas oo ah in lagu socdo nidaamkii Hagaajinta Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) oo soo bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana bil kasta si wada jir ah laysula eegayaa waxa ka qabsoomay shuruudahaas, oo hadii la fulin waayo ay dhici karto in ay hakato.

Bangiga Aduunka ayaa ka wada mashaariic kala duwan dalka kuwaas oo badankooda hoos yimaadaan wasaaradda maaliyada, mashariicda ayaa isugu jirta dib u habaynta shaqaalaha dowladda, dayactir iyo dhisida xarumaha dowaladda, kabida mushaaraadka oo ay ka fa’iidysanayaan maamul goboleedyada, iyo kor u qaadida tayada Hay’adaha dakhliga  ee Dowladda iyo kuwo kale oo badan.

Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com