Sawirro: Britain oo dhaqaale aad u xoogan ugu deeqday Somalia (Cadadka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday in Somalia ay ugu deeqeyso dhaqaale xoogan oo hor leh, kadib markii ay horay u ballanqaaday bixinta dhaqaalahaasi.

Lacagtaani deeqda ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqay Xoghaya horumarinta Caalamiga ah ee Britain Mr Priti Patel oo Muqdisho timid markii labaad.

Mr Priti Patel, ayaa sheegtay in lacagahaasi lagu biirin doono gargaarka abaaraha Soomaaliya, waxa ayna cadeysay in si toos ah ay ugu soo dhici doonto dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Mr Priti Patel ayaa ku dhawaaqday deeq dhan 60 Milyan oo Ginni, taasoo loogu talo galay gargaarka abaaraha Soomaaliya.

Priti Patel oo kulan khaas ah magaalada Muqdisho kula qaadatay Madax ka kala socta Hay’adaha samafalka iyo Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in Britain ay ka go’an tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahayd guul laga gaaro abaaraha halakeeyay Soomaaliya.

Dhinaca kale, Priti Patel ayaa dowlada Federaalka ah ee Somalia ugu baaqday in deeqdani lacagta ah ay ugu adeegto shacabka, iyadoo laga fogaanaayo musuq iyo isdabamarin.