Sawirro: Gaas oo furay keydka haamaha shidaalka diyaaradaha ee Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas, ayaa maanta xariga ka jaray Keydka Haamaha Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Magaalada Boosaaso.

Hogaamiyaha maamulka ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay muujinta horumarka, waxa uuna sheegay in Keydkaani uu anfici doono Diyaaradaha isticmaala Garoomaha Puntland.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in Ganacsatada deegaanka looga baahan yahay inay la imaadan qorshooyin Ganacsi oo lagu hormarinaayo Puntland, waxa uuna mahad celin u jeediyay Ganacsatadii Hirgalisay Keydka Haamaha Shidaalka Diyaaradaha.

Gaas, ayaa Ganacsatada kale ugu baaqay in Hantidooda ay gishtaan dhulkooda, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Puntland ay saaxiib u tahay Ganacsiga iyo wax soo saarka.