Sawirro: Daacishta Syria oo ku guda jirta rafashadii ugu danbeysay jab culus kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa weli dagaalo xoogan kawada qeyb kamid ah dalka Syria kaa oo u muuqda mid lagu soo afmeeri doono dhaqdhaqaaqii colaadeed oo ay kawadeen Syria.

Maleeshiyaadka Daacishta Syria ayaa iminka ku harsan daafaha caasimadda, gaar ahaan magaalada Raaq ee dalka Suuriya halkaas oo kooxaha mucaaradka Suuriya oo gacan ka helaya xulufada Mareykanka weerar dhowr jiho ah ku qaadeen dhowaan.

Daacishta Syria oo ay soo foodsaareyso dhaqaale xumi ayaa iminka qarka u saaran inay faarujiyaan magaaladaas oo la rumeysan yahay inay tahay halka ay iminka ku harsan yihiin.

Waxaa sii yaraanaaya Hubkii cuslaa oo ay adeegsan jireen maleeshiyaadka Daacish, halka sidoo kale uu nusqaan muuqda ku imaaday dagaalyahaanadii dagaalka waday, kadib markii ay ku baxeen duqeymo is xigxiga oo lala eegtay.

Daacishta Syria ayaa iminka ku jirta rafashadii ugu danbeysay waxaana suuragal ah in labada maalin ee nagu soo aadan laga saaro dhammaan goobaha gabaabsiga ah oo ay ku harsan yihiin.

Muuqaalada qaar ayaa laga dheehan karaa Daacish oo gaadiid iyo agabyo kale kala baxeysa magaalada Raaq ee dalka Suuriya.