Sawirro: Dhismooyinkii ku burburay qaraxa Zoobe oo durba dib u dhis lagu billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilowday dib u dhiska dhismayaasha ku yaalla Isgoyska Zoobe gaar ahaan goobtii uu ka dhacay Qaraxa.

Boqolaal shaqaale ayaa ka howlgalay dhismooyinka kuwaa oo isla maanta dhismayaal laamiyeeri ah ku wareejiyay daarihii ku burburay Qaraxa.

Dhismooyinka burburay ee laamiyeeriga lagu wareejiyay ayaa waxaa kamid ah dhismaha Hoteel Safaari oo gabi ahaantiisa dhulka galay iyo dhismooyin kale oo aan indhaha u rooneyn.

Dhismooyinka iyo gurmadka ayaa waxaa si wada jira uga qeybqaatay Maamulka gobolka, Dhalinyarada, Ciidamada Dowladda iyo xubno kale oo iminka soo idleeyay nadaafada.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 280 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 300 oo qof.