Sawirro: Diyaarad 40 sanno ka hor Muqdisho lagu soo afduubtay oo la dhigay Madxaf loo daawasho tago.

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka waxaa dib loo celiyay diyaaraddii shirkadda Lufthansa ee dalka Jarmalka oo ay afduubteen koox u dhalatey Falastiin muddo 40 sano ka hor.

Diyaaradan oo aad u weyneyd ayaa waxaa dib loogu celiyey dalka Jarmalka, waxaana la dhigey Madxaf ama Muusiyam loo daawasho tago.

Waxa ay diyaaradan Lufthansa ee la afduubtey ka soo duushey magaalada loo dalxiiska tago ee Mallorka ee dalka Isbeyn, waxaana ay ku jeedey magaalada Frankfurt bishii Oktober 1977.

Diyaaradan ayaa lagu dejiyey caasimadda Somalia ee Muqdisho, Kooxda afduubatey diyaaradda ayaa diley mid kamid ah duuliyaashii diyaaradda markii ay ku hor degtey dalka Yemen.

Diyaaradaan oo ay siday diyaarad kale oo weyn oo Rushka laga leeyahay ayaa shalay la geeyay Jarmalka waxaana loo qaaday madxafka Dornier halkasoo dadku u daawasho tagi doonaan.