Sawirro: Diyaarad siday ciidamo ka socda mid ka mid ah dalalka Afrika oo kasoo degtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa maanta magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad gaar ah oo sitay ciidamo cusub oo ka socda dalka Uganda, kuwaasoo badalay ciiddamo mudo sanooyin ah ku sugnaa gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaaradda keentay ciidamadaan ayaa waxaa ay qaatay hal Battle-ka 19-aad ee ciidamada Ugandha, kuwaasoo in mudo ah ka howlgalayay magaalada Marka iyo gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada la badalay ayaa waxaa shahaadooyin iyo bilado geesinimo ah gudgeon siiyay taliyaha ciidamada Ugandha qeybta mudada howlgalka ah dhameysatay ee maanta u duulay Uganda.

Booska ay baneeyeen ayaa waxaa buuxinaayo battle-ka cusub ee isla maanta kasoo degay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com