Sawirro: Doonyo nooca dheereeya oo loogu deeqay hay’adda socdaalka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia ayaa loogu deeqay Dooni dheereysa oo loogu tallo galay inay ka howlgasho Badda Somalia.

Hay’adda ayaa Doonidaani ka gudoontay Hay’adda Socdaalka Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano “IOM” ee qaabilsan dhinaca socdaalka

Doontan oo ay isticmaali doonaan saraakiisha laanta Hay’adda u qaabilsan xuduudaha Badda ayaa lagu fulin doonaa howlgalada raadinta ah ee looga hortagayo socdaalada sharci darada ah ee ka baxaya ama ka soo galaya dalka dhinaca Badda, waxayna laantaani la shaqeyn doontaa ciidamada ilaalada xeebaha Dalka.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Doontan muhiim u tahay shaqada Hay’adda, islamarkaana lagu ilaalinayo socdaalka xuduudaha Badda, waxayna sidoo kale la shaqeyn doonaan ciidamada Badda Soomaaliya.