Sawirro: Faarax C/qaadir oo arrin yaab leh ka dhigay shirkii golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan xafiidka Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa Caasimada Online u sheegay in Farax C/qaadir oo ah wasiirkii dastuurka ee la geeyey wasaaradda xanaanada xoolaha uu xalay ka qeyb galay shirkii golaha wasiirada.

Ka sokow xubnaha Caasimada Online u xaqiijiyey warkan, waxaa sidoo kale xafiiska Cabdi Weli ay Caasimada Online usoo direen sawirrada kullankii xalay, waxaana ka muuqday Faarax C/qaadir.

Si kastaba arrinta yaabka leh ayaa ah, sida ilo-wareedyada ay Caasimada Online u sheegeen, in Farax uu sharxay waxqabadka wasaaradiisa caddaalada iyo arrimaha garsoorka intii lagu guda jiray dhageysiga hawlaha todobaadka ee wasaaradaha.

Ra’iisul wasaaraha oo beddelay Faarax, ayaa la sheegay inuusan waxba ka oran arrintaas, islamrkaana uu dhageystay Faarax.

“Wasiirada ayaa la yaabay sida wax uga dhaceen shirki golaha oo ahaa mid xaaladihi la filayey wax badan ka baddalay” ayuu yiri wasiir la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la shaacin.

“Marki hore waxaan moodnay inuu Faarax baaqasho un noogu yimid, wuu yimid, haddana wasaraaddi laga qaaday ayuu nagula fadhiyey, oo uu magaceeda ku hadlayey” ayuu yiri wasiirka la hadlay Caasimada Online.

“Xaqiiqdii illaa iyo hadda ma naqaan sida wax u dhaceen, ra’iisul wasaaraha wuu iska aamusay un, annagana sidoo kale, ma naqaan iminka wasaarad aan Faarax ku tirino, balse sida xalay wax u dhaceen, waxaan oran lahaa weli waa wasiirka dastuurka” ayuu yiri wasiirka la hadlay Caasimada Online.

Arrintan ayaa muujineysa in dagaalka madaxweyanaha iyo Ra’iisul wasaaraha uu wali siyaasadeysan yahay oo koox walba ay qorshaheeda si hoose u wadato.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta uu Cabdi Weli xalay ugu sheegin Faarax inuusan ahayn wasiirka dastuurka, uusanna magaca wasaaraddaas ku hadli karin.

Hoos ka arag Sawirro caddeynaya Faarax oo kullankii xalay jooga, welibana garab fadhiya Cabdi Weli

wasiirada 4wasiirada 1wasiirada 2wasiirada 3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com