Sawirro: Ganacsatada Boosaaso oo fal muhiim u ah shacabka ku dhaqaaqay

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland laga furay xarun loogu talagalay hubinta badeecadaha soo degaya iyo kuwa dhoofaya, iyadoo xaruntaan ay ku howlgelayaan sheybaar hubinaayo tayada badeecadaha sida raashinka iyo alaabaha kale.

Xaruntaan oo lagu magacaabo Somali Quality Services ayaa waxaa aasaasay ganacsato Soomaaliyeed, waxaana shalay xariga ka jaray madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo digniin adag u diray cidkasta oo isku dayda in gudaha Puntland keenaan badeecad aan tayo laheyn .

“In maanta Puntland yeelato taya dhowr qalabaysan waa wanaag iyo horumar u soo kordhay Puntland, waana mahadsan yihiin ciddi ka qeyb-qaadatay howshaan muhiimka ah ‘’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

”Hadda wixii ka dambeeya Bariis caag ah iyo Baasto caag ah ma jiri doono, Puntland lama keeno doono, ciddii ku talagasha inay keento iridaan u fadhinaa hadii uu Alle yiraahdo ”Ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Cabdiweli Gaas . 

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
Caasimada@live.com