Sawirro: Hogaamiye Waare oo kasoo degay Muqdisho & Qorshihiisa oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray Hogaamiyaha cusub ee Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Hogaamiye Waare, ayaa waxaa booqashadiisii ugu horeysay ee magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay ku wehlinaaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle.

Hogaamiyaha iyo mas’uuliyiinta wehlineysay ayaa waxaa Garoonk Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo Saraakiil ciidan.

Hogaamiye Waare, ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka halkaa kula kulmay mas’uuliyiintii soo dhaweeyay oo Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan ay ku jireen.

Hogaamiye Waare, ayaa dhinacyadaasi u sheegay in maalmaha soo socda uu ku nagaan doono Magaalada Muqdisho, kulamana uu kula yeelan doono Xildhibaanada Hirshabelle ee ku metelaya Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo bulshada reer Hirshabelle ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Waare ayaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho sidoo kale la kulmi doono Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo.