Sawirro: Jubbaland oo gacanta ku dhigtay ajaaniib si sharci darro ah ku kaluumeysaneyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Ajaaniib la sheegay inay yihiin Kaluumeysato kuwaa oo si sharci darro ah uga kalluumeeysanayeen xeebaha gobolka Jubbada hoose.

Kalluumeysatadan oo kasoo kala jeeda dalalka India iyo Iran ayaa la qabtay xili ay kaluumeysi sharci darro ah ka wadeen xeebaha maamulka waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamada maamulka u qaabilsan Xeebaha, gaar ahaan xeebta Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Ajaaniibtani ayaa la sheegay in 6 kamid ah ay kasoo jeedan dalka India, halka 2 kamid ahna ay dhalasho ahaan kasoo jeedan dalka Iran.

Maamulka ayaa sheegay in Ajaaniibtani ay Xeebaha ka kaluumeysan jireen dhowr bil, iyadoo aan la ogeyn sababta ku dhalisay inay jalaabtan si sharci darro ah.

Qabashada Ajaaniibtani ayaa soo degdegtay kadib markii ay soo caarisay Dooni ay wateen oo la kulanta dhibaatooyin dhanka badda ah.

Maamulka ayaa sidoo kale, gacanta ku dhigay kalluun gaaraya 300 oo tan oo ay ka jallaabteen xeebaha gobolka Jubbada hoose.