Sawirro: Justin Trudeau oo si maqaam sare leh xaflad ugu dhigay wiil Syrian ah oo lagu samiyey

Ottawa (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha dalka Canada, ayaa casuumaad u fidiyay qoyska dhalay wiilkii lagu samiyay ee loo bixiyay Justin Trudeau, kaasoo hadda ah labo bil jir.

Justin Trudeau ayaa xaflad uu soo qaban qaabiyay oo ka dhacday Calgary Stampede kula kulmay cunuga yar ee waalidkiisa kasoo barakaceen dagaalada Siiriya, kaasoo markii uu dhashay ay ugu magac dareen waalidkiisa Justin Trudeau maadaama ay dalka Canada ka heleen magangelyo.

Ra’isal Wasaare Trudeau madaarka kagama hor iman oo kuma soo dhawayn sidii qaxootigii kale ee Suuriya ka tagay.

Waalidka ilmahan yar dhalay oo lagu kala magacaabo Maxammed iyo Cafraa Bilan ayaa waxay mahad celin ugu dhigeen ra’iisul wasaaraha Canada in ay ugu magac daraan ama ku samiyaan wiilka yar ee ay dhaleen oo loo bixiyay Justin Trudeau.

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu xusuustaa sidii wanaagsaneyd ee uu usoo dhoweeyay qaxootiga Siiriya, isagoona garoonka ugu hortegi jiray qaxootiga soo gelaya Canada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Ottawa 
Caasimada@live.com