Sawirro: Madaxweyne muddo xanuunsanaa oo markii ugu horeysay soo muuqday

Algers (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Algeria C/casiis Butfaliiqa, ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday Telefeshinada Caalamka, gaar ahaan Telefeshinka Dowlada Algeria.

C/casiis Butfaliiqa, ayaa sanadihii danbe kasoo muuqan Telefeshinada waxa uuna iminka soo muuqday isagoo qaabilaaya Wasiirka Dowladiisa u qaabilsan arrimaha Carabta iyo Afrika.

Madaxweyne C/casiis Butfaliiqa, oo 90 jir ah ayaan inta badan dhaqan u leh inuu ka fogaado Goobaha ay ku sugan yihiin Saxaafada, balse waxa uu iminka dalbaday Kaamirada Telefeshinka Algeria si uu soo bandhigo kullanka uu la qaatay Wasiirka.

Muuqaalka Madaxweynaha Algeria C/Casiis ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay tan iyo markii uu baajiyay qaabilaada Haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel.

Madaxweyne C/casiis Butafaliiqa ayaa sanadii 2013 waxaa ku dhacay Xanuunka qalalka, isagoo wixii intaa ka danbeeyay ka gaabiyay la qidaabida Madaxda Caalamka sababo la xiriira xanuunka ku dhacay.

Madaxweyne C/casiis Butafaliiqa, ayaa sheegay inuu dhameysan doono wakhtigiisa waxa uuna cod dheer ku sheegay in caafimaadkiisa uu yahay mid iminka wanaagsan.

Caalamka qudhiisa ayaa aad uga gaabsada casuumaadaha Madaxweyne C/casiis Butafaliiqa, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha uu hakiyay Safaradiisa dibadda.

Dhinaca kale, Madaxweyne C/casiis Butafaliiqa, ayaa noqonaaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee looga cudur daaro shirarka Caalamka, isagoo mar waliba wakiisha Xubno ka tirsan Golayaashiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com