Sawirro: Masjidka ugu yaabka badan adduunka oo laga furay Magaalada Berlin

Muqdisho (Caasimada Online)-Masaajidkaani oo si siman ay ugu dukan doonaan Ragga iyo Dumarka, ayaa waxaa laga furay Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, waxaana arrintaani aad uga qeyliyay Muslimiinta dalkaasi ku dhaqan.

Masjidkani oo u dhisan sida Kaniisadaha ayaa waxaa loogu magac daray Ibn-Rushd-Goethe-Mosque, waxaana imaan ka ah Haween, halka raguna ay ka yihiin kuwo usoo salaad doonta Masjidka.

Masjidkaani ayaa waxaa loogu magacdaray ”Islamic Moderate Liberal Muslims”, waxaana sidoo ka mamnuuc ka ah in Haweenka wata Xijaabka ay usoo salaad doontaan.

Haweenka ku dukanaaya Masjidka ayaa lagu amray inay soo qaatan keliya Qamaar iyo dhar gaaban, iyadoo xiliga salaada kadib ay khudbado wacyi galin ah halkaa kasoo jeedinayaan Haweenka Imaamka ka ah.

Mu’adinka masjidkaani jahwareeriyay Muslimiinta ayaa waxaa laga dhigay Gabar u dhalatay dalka Malaysiya oo la yiraahdo Ani Zonneveld.

Sidoo kale, Masjidka ayaa waxaa si siman ugu dukan doona Ragga iyo dumarka Suniga iyo Shiicada ah.