Sawirro: Maxay kawada hadleen Ra’isul wasaare Kheyre & Wasiirka A/Dibedda Shiinaha

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Yi.

Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirka ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dawladood, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda iyo taageerada dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Wang Yi, ayaa Somalia u balan qaaday in ay garab taagnaan doonto Islamarkaana ay ka caawin doonto dhinaca Mashaariicda iyo Taageeridda Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaaraha Somalia ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Wang Yi uga mahad celiyay kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Somalia, wuxuuna cadeeyey sida loogu baahan in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada waddan.

Ra’isul wasaare Khayre ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee arrimaha Somalia iyo Shir kale oo isna looga hadlayey Abaaraha. Iyadoo ay shirarkani ka soo qeyb galeen in ka badan 98 waddan.