Sawirro: Midowga Yurub oo document ku caddeeyay halka lagu bixinaayo malaayiin dollar oo lagu wareejiyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la kulmay safiirka midowga Yurub ee Somalia Veronique Lorenzo, waxayna ra’iisul wasaaraha u gacan gelisay dhambaal lagu caddeeynayay halka loogu talagalay lacag dhaqaalaha midowga Yurub ugu deeqay Somalia.

Qoraalka kasoo baxay midowga Yurub ee Kheyre la faray in si siman loogu qeybiyo si siman meelaha ay iftiimiyeen ururka midowga Yurub oo ay ku jiraan maamul goboleedyada dalka, horumarinta iyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dhismaha wadooyoonka.“Waxaan safiirada uga mahad celiyey warqada qoraalka oo ay ku caddeynayaan midowha Yurub taageerada dhaqaale ee ay siiyaan Somalia, 2 Million oo Euro oo ka mid ah dhaqaalahaan waxay ku bixiyeen taageerada nooliiska, halka 2 Million oo kale ay ugu talogaleen in 1000 dhalinyaro ah shaqo loogu abuuro, 300 oo ka mid ahna jidda 30-ka lagu kabo iyo in dowlad goboleedyada la gaarsiiyo qeyb ka mid ah dhaqaalahaas.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre oo sharxayay qoraalka lasoo gaarsiiyay oo lagu sharxay halka loogu talagalay dhaqaalaha midowga Yurub ku taageero Somalia.Venonique Lorenzo ayaa dhankeeda iyadana sheegtay in Midowga Yurub ay taageerayaan dowladda Somalia isla markaana qoraalka ay soo gaarsiisay ra’iisul wasaaraha caddeyn u tahay sida EU ugu gobant tahay inay taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

“Wwarqadan aan ra’iisul wasaaraha u keenay waxay caddeyneysaa sida ay nooga go’antahay taageerada dowlada Federaalka” ayey tiri safiirka midowga Yurub ee Somalia Veronique Lorenzo.Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa u sheegay safiirada Midowga Yurub in taageeradooda loo isticmaali doono mashaariicda halkii loogu talagalay oo ay dowladda qorsheysay, iyadoo ay jiri doonto isla xisaabtan dhab ah oo shillin walba meesha uu ku baxo la ogaan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com