Sawirro: Muqdisho oo lagu soo bandhigay kooxo ka qeylsiiyay shacabka iyo hubkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa gacanta kusoo dhigay dhalinyaro burcad ah oo xiliyada habeenkii magaalada Muqdisho ka geysta dhaca Moobilada.

Ciidamada amaanka ayaa dhalinyaradani kusoo bandhigay magaalada Muqdisho xili ay wateen Mooto Bajaaj ay ku geysanayeen dhaca.

Halka lagu soo bandhigay Kooxda ayaa waxaa taagnaa Wasiirka Amniga dowladda Somalia Maxamed Abuukar Islow, iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Wasiirka Amniga ayaa goobta ka sheegay in la maxkamadeyn doono Kooxda oo uu sheegay inay qalqal galiyeen jawiga magaalada.

Kooxahani oo ku hubeysnaa Ak47 iyo bastoolad ayaa lagu qabtay howlgal ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana kamid ahaa waxyaabaha ay dhaca u geysan jireen Moobilada iyo Labtoobyada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com