Sawirro: Muqdisho oo saaka kala xiran iyo ciidamo daadsan jidadja

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadooyinka ugu waa weyn Magaalada Muqdisho ayaa saakay intooda badan xiran si ammaanka loo adkeeyo, waxaana la soo dhoobay Ciidamo dheeraad ah.

Wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho ayaa xiran sida wadada Makkah Almukaramah oo ka xiran isgoysyada, KM4, Soobe iyo Debka, mana loo ogolaa in ay Maraan Gaadiidka.

Waxaa sidoo kale xiran dhammaan waddooyinka gala iyo kuwa looga baxo magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka gaaf wareegaya gaadiid dagaal oo ay la socdaan ciidamo gaashaaman.

Ciidamo fara badan oo isugu jira Nabad suggid, Boolis iyo Millitari ayaa la soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay u adkeeyaan amniga.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayaa in maanta ay Doortaan Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub oo ay ku loolamayaan Musharaxiin dhowr ah.