Sawirro: Muwaadin Soomaaliyeed oo goobtiisa ganacsi ay ku dhex gubeen burcad Koonfur Afrikaan

Durban (Caasimadda Online) – Ganacsade Soomaaliyeed ayaa xalay burcad ku gubtay dukaankiisa dhexdiisa oo ku yiil magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika.

Axmed Jaliil Cali Xuseen oo lagu magacaabi jiray ganacsadaan ayaa galabta u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray dabka xalay la qabadsiiyay goobtiisa ganacsi oo uu ku dhex jiray.

Falkaan aadka looga naxay ayaa waxaa geystay burcad Koonfur Afrikaan ah oo dooneysay in ay boob u geystaan dukaanka marxuumka.

Kooxaha burcada Koonfur Afrikaanka ayaa dhaqan ka dhigtay inay beegsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo falkaani uusan aheyn kii ugu horeeyay, waxayna inta badan dab qabadsiiyaan goobaha ganacsiga Soomaalida marka ay ka war helaan in lagu dhex jiro.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu xasuuqo dalka Koonfur Afrika ayaa helin dowladda dhibaatada iyo dilalka loo geysto kala hadasha dowladda Koonfur Afrika.