Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay Hub & Matooro ay ka qabsadeen Daacishta Somalia

Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay Hub, Matooro iyo Gaadiid ay ka qabsadeen Maleeshiyaadka Daacishta Somalia ee ku sugan Buuraaleyda Galgala.

Saanada ay soo bandhigtay Puntland ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan qalabka wax lagu qarxiyo iyo agabyo oo ciidamadda ay ku howlgalaan.

Saraakiisha Ciidamadda howlgalka ka wada Qandala ayaa hubkan iyo qalabkan ku soo bandhigtay duleedka magaaladda, waxaana goobta lagu soo bandhigay Hubka ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Hubka oo ay ku jireen kuwo culus ayaa waxaa la sheegay in Daacishta Somalia, ay u adeegsan jireen Dagaalka ay kula jireen Ciidamada Puntland ka hor inta aysan la wareegin Degmada Qandala.

Daacishta Somalia, ayaa wali ku sugan Deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan Buuraaleyda Galgala, halkaasi oo ay ku ugaarsadaan Ciidamada maamulka.