Sawirro: Qaar ka mid ah dadkii lagu la’aa qaraxa oo la helay iyo dhalinyaro weli lagu la’ yahay nolol iyo geeri

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii ugu danbeeyay dhismooyinka ku burburay Qaraxii ka dhacay Zoobe laga soo saarayay Meydad iyo dhaawacyo dhowr ah kuwaa oo la la’aa.

Waxaa jira dad dhowr ah oo lagu la’aa Qaraxa kuwaa oo saacadihii ugu danbeysay la helay Meydkooda, halka qaarna weli la la’yahay.

Dadka qaar ayaan weli lagu heyn nolol iyo geeri balse markii ugu danbeysay waxa ay ku sugnaayen Isgooyska Zoobe.

Qoysaska qaarkood ayaa ka sabray carruurtooda waxaana loo badinayaa in dadkaasi ay ku baxeen Qaraxa, waxaana xusid mudan in Meydad farabadan laga soo dajiyay qeybaha sare ee dhismooyinka ka agdhawaa Zoobe.

Dadka aan muuqaaladooda kusoo gudbin doono halkaan ayaa isugu jira kuwa aan weli lahelin Meydkooda iyo noloshooda, qaarkood ayaa saacadihii ugu danbeeyay Meydadkooda laga helay burburka dhismooyinka, halka qaarna la helay iyagoo badqaba.

Qaraxaani waxa uu dareen gaara galiyay dhammaan Umadda Soomaaliyeed oo la rumeysan yahay in dhammaantooda uu saameeyay Qaraxa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA DADKA LA HELAY IYO KUWA WELI LA LA’ YAHAY

Sumaya Cali Mire oo ah 20 jir la la aa illaa intii uu dhibka dhacay, waxaa ina soo gaadhay in la helay ayada oo bad qabta.

Shariifo Xuseen Raage, waa hooyo meherad ku haystay meel u dhaw goobta qaraxu ka dhacay. Fadlan Faafi oo naga caawi raadinteda.

Caasha Cabdlahi waxa ay kamid tahay dadka weli lagu la’ yahay nolo iyo geeri waxa ay eheladeedi ugu war danbaysay wax yar qaraxa ka hor.

Muna M. Hassan is missing & was last seen at Sobe area before the tragic attack. Please help us find her by contacting us.

Asad C. Abiid waa wiilka dhalinyaro ah oo ilaa hada la’layahay oo ugu war danbaysay Soobe.

Faisa X. Cali waa 24 jir ah, waxay gadaysay carwo kutaal Hotel Safari intusan qaraxu dhicin.

Mahad Xabiib oo ugu war danbaysay isagoo kahor intaanu qaraxu dhicin waxa uuna ku sugnaa Soobe.

Mahad M. Xasan oo ugu war danbaysay intuusan qaraxa dhicin. Mahad wuxuu usocday jamacada

Faadumo Cabas & Nimco C. Maxamed oo ugu war danbaysay qarax kahor