Sawirro: Qofkii 150-aad oo ka tirsan hal qoys oo Somali ah oo gaaray Canada

Winnipeg (Caasimada Online) – Qoys Soomaali ah ayaa dabaal degay arbacadii, markii qofkii 150-aad oo xubin ka ah qoyskaas uu gaaray dalka Canada, ayada oo Canada ay u dabaal degtay sanad guuradii 150-aad ee aas-aaska dalkaas.

“Waxaan dareemayaa farxad” Waxaa sidaas yiri Marcus Askar oo billaabay imaanshaha qoyskiisa ee Canada, markii uu 20 sano ka hor degay magaalada Winnipeg.

Arbacadii ayaa Askar wuxuu dalka Canada kusoo dhaweeyay saddex qof oo ehelkiisa ah oo kala ah Ismaaciil Cali Askar, oo ah walaalkiis ka yar, Ilhaan Xuseen Axmed iyo Ayaanle Xuseen Axmed.

“Waxaan sugayey muddo imaanshaha walaalkey, ma xusuusto wejigiisa, isaga oo yar ayaa igu dambeysay oo laba sano jir ah” Ayuu yiri Marcus Askar.

Waxa uu sheegay in sideed wiil iyo shan gabdhood oo la dhashay marka laga reebo laba ay hadda ku nool yihiin dalka Canada, islamarkaana qoyskiisa baahsan oo gaaraya illaa 150 ay ku kala fidsan yihiin dalka Canada.

150-ka qof ayaa isugu jir qaraabada dhow iyo kuwa fog ee Askar, sida lagu sheegay warbixintan oo uu baahiyey taleefishinka CBC ee dalka Canada.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com