Sawirro: RW Kheyre oo markii ugu horeysay gaaray xarunta W/Difaaca Mareykanka (Ujeedka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Wasaaradda difaaca Mareykanka kula kulmay Ku-xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Patrick Shanaha, oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Gaashaandhigga ee ka dhexeeya labada dal.

Ra’isul wasaaraha Somalia ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Mareykanka, isla markaana uga mahad-celiyey Dawladda Mareykanka taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Somalia.

Wuxuuna xusay in xiligani oo ay dawladdu la tacaaleyso dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ay muhiim tahay iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara labada dal.

“Dawlada Maraykanku waxay ka qeyb ahayd dalalkii dadka Soomaaliya usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxana ay noo balan qaadeen dib-u-dhiska ciidamadda Soomaaliya ay door ka qaadanayaan”ayuu yiri Ra’isul wasaare Khayre.

Patrick Shanaha Ku-xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka ayaa Dawladda Somalia ku ammaanay kaalinta fir-fircoon ee ka qaadanayaan dib-u-soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka. Isla markaana uga mahadceliyey door kooda ku aadan dagaalka lagula jiro Kooxaha nabadda diidan.
Isagoo xusay in Mareykanka ay ka go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul wasaaraha ku weheliyey Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya iyo Danjiraha dalkeena u fadhiya Mareykanka.