Sawirro: R/W Kheyre oo farageliyay khilaafka ganacsatada iyo shirkadda Turkiga ee dekadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku baxay khilaaf ku sabasan adeegga ay bixiso Shirkadda Albeyrak ee maamusha Dekadda Muqdisho iyo Ganacsatada adeegsata dekadda oo ku hanjabay inay joojinayaan adeegsiga dekadda Muqdish.

Shirkadda Turkiga ee maamusha dekadda Muqdisho ayaa lacago xad-dhaaf ah ka qaadata ganacsatada, taasoo keentay hanjabaada ganacsatada, iyadoo la og yahay in shirkadda Albeyrak aan wax adeeg lagu qanco siinin ganacsatada Soomaaliyeed.

“Waa iney helaan Ganacsatada Soomaaliyeed qadarin gooniya si loo dareensiiyo iney dalkan iyagu leeyihiin, taasina waxaa keeni karta iyadoo loo fududeeyo ganacsigooda” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo gudaha dekadda Muqdisho kula hadlayay ganacsatada iyo maamulka dekadda Muqdisho.

Khilaafkaan oo markiisii hore ka bilowday lacagaha xad-dhaafka ah ee shirkadda Turkiga ka qaadato ganacsatada, ayaa wuxuu cirka isku sii shareeray markii wiishka ay isticmaasho shirkaada Albeyrak uu jabay, kaasoo hakad geliyay adeegii ganacsatada, waxayna ganacsatadu keensadeen wiish markabka alaabaha kasoo dejiya oo ay soo kireysteen, waxayna shirkadda Turkiga ku amartay in ay bixiyaan lacagta dejinta.      Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com