Sawirro: Baroor diiq Mareykanka loogu sameeyey dhibanayaasha musiibadii Zoobe

Xaflada sanad-guuradii 7aad ee ururka dhalinyarada Soomaalida Magaalada Louisville ee Gobolka Kentucky USA oo loo soo gaabiyo SYL ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaalida iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Ahmed Isse Awad.

Xaflada oo markii hore ujeedadeedu ahayd maamusida sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay ururka SYL ee magaalada Louisvile ayaa waxaa jawiga xaflada badalay musiibadii ka dhacday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dadkii ka hadlay xaflada ayaa ku dheeraaday  sida ay lagama maarmaan u tahay in Uumada Soomaaliyeed gaar ahaan  dhalinyaradu ay isaga kaashan lahaayeen horumarka dalka iyo in lala dagaalamo kooxo caadeystay laynta shacabka.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Ahmed Isse Awad ayaa sheegay in horumarka dal kasta ay kaalinta ugu mihiimsan kaga jiraan dhalinyaradu loogana baahan yahay dhalinta Soomaaliyeed dal iyo dibadba in loo istaago sidii looga qeyb qaadan lahaa taabagalinta hanaanka dowladnimo iyo  sidii la isaga dhicin lahaa cadowga ummada.

Ahmed Isse Awad ayaa dhalinayarada iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay kulanka uga jawaabay su,aalo ay weydiiyeen kuwaas oo ku saabsanaa  xaalada uu dalku ku suganyahay, kaalinta safaarada Soomaaliya ee isku xirka jaaliyaddahaSoomaaliyeed ee Mareykanka, iyo dhalinyarada kujirta xabsiyada Mareykanka, waxaana uu si waafi ah u deeqsiiyay halka ay arimahaas oo dhan marayaan.