Sawirro: Senatorkii ugu horeeyay ee Somalia oo Turkiga booqasho ku tagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si diiran loogu soo dhoweeyay Xildhibaan kii ugu horeeyey ee ka tirsan golaha aqalka sare ee Soomaaliya.

Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ardayda wax ka barta jaamacaddaha Turkiga ay u sameeyeen casuumaad, waxayna ka dhageysteen warbixin ku saabsan isbadalka iyo xaaladaha dalka Somalia.

Ilyaas Cali Xasan ayaa dadkii kasoo qeybgalay xafladda soo dhoweynta warbixin ka siiyay Isbedelkii dalka ka dhacay iyo doorka Xildhibaanada Dhalinyarada ah ay kulahaayeen, xaalada amaan ee Muqdisho, abaaraha ka taagan gobolada dalka iyo sidii loogu gurman lahaa walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Sidon kale, Ardeyda Soomaaliyeed ayaa iyana dhankooda su’aallo badan oo ay qabeen ku weydiiyeen xafladda xildhibaan Ilyaas iyagoona la wadaagey Tallooyin ay jeclaayeen in la gaarsiiyo Madaxdooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com