Sawirro: Shanta hablood ee ugu qurxoon Soomaaliya, Yaase galay kaalinta koowaad?

Dalkeena Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay dhul heysta qaar ka mid ah dadka ugu qurxoon qaaradeenna Africa. Marka laga hadlayo dhanka hablaha, Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay ku nool yihiin hablaha ugu qurxoon Africa.

Waxaa laga yaabaa inay aragtidadaan kugu khilaafaan dad badan, laakiin waa hubanti qiimeyn la sameeyey ayaa waxaa lagu soo bandhigay inay Soomaaliya ku jirto kaalimaha sarre ee dalalka ugu hablaha qurxoon Africa.

Maanta ay halkaan shabakadda Caasimadda kusoo bandhigi doontaa shanta hablood ee lagu qiimeeyey inay yihiin kuwa ugu qurxoon ee kasoo jeeda dalkeena Soomaaliya. Qiimeyntaan ma aysan sameyn caasimadda.net, balse waxaa sameeyey shabakadda caalamiga ah ee TOP10FOR.com.

05 – Kadra Ahmed Omar

Kadra Ahmed Omar waa gabar ka shaqeysa modelka Ethiopia laakiin asal ahaan waxay kasoo jeedaa dalkeena Soomaaliya.

Waxay dhalatay sannadkii 1975tii, waxaana lagu qiimeeyaa gabadhaan inay sidoo kale ka mid tahay hablaha ugu soo jiidashada badan Africa. Kadra ayaa waxay sidoo kale usoo shaqeysay shirkado kala duwan oo dhanka modelka ah.

04 – Fatima Siad

Fatima Siad waxay dhalatay 17kii bishii December sannadkii 1986dii. Waxay u shaqeysaa shirkadaha modelka dalka Ethiopia laakiin gabadhaani waxay asal ahaan kasoo jeedaa dalkeena Somalia kuna soo barbaartay. Waxaa iska dhalayse aabe u dhashay Ethiopia iyo hooyo Soomaali ah.

Fatima Siad waxay haatan ku sugan tahay Boston Massachusetts, waxayna kaalinta seddaxaad kasoo gashay qiimeyntii liiska Next Top Model Cycle 10 ee dalweynaha America. Guulaha ay gaartay ee dhanka modelka ayaan lasoo koobi karin waxayna kasoo muuqatay bogga hore ee Front Page Style 29kii bishii May 2009kii. Shirkadaha dhanka modelka ee ay gabadhaani usoo shaqeysay ayaa waxaa ka mi dah Cosmogirl, Women Wear Daily, Essence iyo Flaunt.

03 – Cici Ali

Cici Ali si weyn ayaa looga garanayaa shirkadaha modelka ee dalka Canada asal ahaan waxay kasoo jeedaa Soomaaliya. Cici Ali waxay ka mid tahay hablaha bilicdooda cajiibka ah ay indhadaraandarka kugu rideyso. Waxaana quruxdeeeda ugu badan lagu sheegaa inay ku jirto lugaha iyo indhaha.

Soomaaliya ayey u matashay dhowr xaflad oo dhanka modelka ah. Waxaana lagu tilmaamaa inay tahay gabadhii albaabada u furtay inay hablaha Soomaaliyeed ku biiraan dunida modelka. Shirkadaha ay gabadhaani usoo shaqeysay ayaa waxaa ku jira Glamour, Sway iyo Allure.

2 – Iman Mohamed Abdulmajid

Iman waxay dhalatay 25kii bishii July sannadkii 1955tii waxayna ku dhalatay Mogadishu oo ah caasimadda Somalia. Iman ayaa kasoo muuqatay kaalinta labaad ee qiimeyntaan. Waxayna sidoo kale caan ka tahay dunida modelka. Iman ayaa waxaa sidoo kale lagu qiimeeyaa inay ka mid tahay hablaha ugu qurxoon dalkeena.

Calvin Klein, Gianni Versace, Issey Miyake iyo Halston ayaa ka mid ah shirkadaha dhanka modelka ah ee ay usoo shaqeysay gabadhaani. Billaha The Human Factor ayey qaadatay sannadkii 1976dii. Halka abaalmarinta Oscar Award ay heshay 1985sannadkii 1985dii, kuna darso inay kasoo muuqatay dhowr filim oo guuleystay.

01 – Yasmin Warsame

Yasmin waxay ku dhalatay Mogadishu oo caasimadda Somalia ah 5tii bishii May sannadkii 1976dii. Waxaa si weyn loogu garanayaa inay tahay supermodel dalka Canada ah. Waxayna kaalinta koowaad kasoo gashay liiska hablaha ugu quruxda badan dalkeena Soomaaliya.

Yasmin ayaa waxay kasoo muuqatay liiska hablaha ugu soo jiidashada badan guud ahaan dalka Canada. Sidoo kale Yasmin waxay xayeysiin dhanka modelka ah u sameysay shirkado waa weyn oo ay ku jiraan Ford Models iyo NEXT Models.

Ugu dambeyntii, waxaan kusoo xireynaa maqaalkeena hablaha ugu quruxda badan qaaradda Africa qaarkood ayaa ku nool dalkeena Soomaaliya, haddii aad u baahan tahay halka aan ka keenay warbixintaan waxaad gujin kartaa lifaaqa hoose.

HALKAAN AYAAN KASOO XIGANAY WARBIXINTAAN