Sawirro: Sidee ayuu u dhacay weerarkii cuslaa ee kooxaha argagixisada ka geysteen Burkina Faso

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa lagu soo waramayaa in Toddoba iyo toban qof oo shacab ah ay ku dhinteen weerar looga shakisan yahay inay geysteen koox jihaad doon ah.

Weerarka oo cuslaa ayaa ka dhacay bartamaha caasimadda dalka Burkina Faso, Ouagadougou.

Weerarka ayaa lagu qaaday maqaayad iyo hotel ku yaallo Ouagadougou ee caasimadda Burkina Faso sida ay sheegeen ilo dowladeed.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay saddex nin oo hubeysnaa kuwaa oo rasaas ku furay dad macaamiil ahaa oo fadhiyay maqaayadda.

Inta uu weerarka socday ciidamo ka tirsan dowlada oo goobta gaaray ayaa dagaal fool-ka-fool ah la galay kooxihii weerarka soo qaaday.

Waxaa la sheegaa in kooxaha islaamiyiinta ah ay weerar ku qaadeen sanadkii 2016 kii maqaayad ku taallo Burkina Fasco, waxaana ku dhintay dad gaaraya 30 qof.